Wararka

Dad Soomaali ah oo ka mid noqday dad u geeriyooday cudurka coronavirus dalka Sweden…


Ugu yaraan lix Soomaali ah ayaa ka mid noqotay 15 ruux oo dalka Sweden ugu geeriyooday cudurka Coronavirus sida ay sheegtay warbaahinta dalkaas.

Telefishinka Sweden ee SVT oo soo xiganaya ururka iskutaga dhaqaatiirta ayaa xogtan baahiyey.

Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in arrintan ay ugu wacan tahay, dadka oo aan helin xog buuxda oo cudurkan la xirriira markii uu dalka ku faafay, ayna si caadi ah u dhaqmayeen.

Sidoo kale waxay sheegeen in dadkaasi intooda badan ay cuduro kale horey u qabeen sida kaadi macaanka iyo dhiig karka.

Soomaalida ku nool Sweden ayaa intooda badan degan guryo cirriiri ah, taasoo la sheegay iney sababtay in cudurkan uu ku dhex faafo.

Sweden ayaa haatan noqotay dalka ugu badan qaarada Yurub ee cudurka Coronavirus uu ku dilay Soomaalida, waxaana weli jira Soomaali la ildaran cudurkan oo jiifa goobaha caafimaadka dalalka Yurub, halka kuwo kalena ay ka bogsadeen cudurkan halista ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9373 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: