Wararka

Wariye caan ahaa oo u dhashay dalka Zimbabwe oo u geeriyooday cudurka coronavirus…


Wariye caan ah oo u dhashay dalka Zimbabwe ayaa la xaqiijiyay in uu u geeriyooday caabuqa Coronavirus kadib maalmo uu la il darnaa, waxaana sii kordhaya dadka dunida dacaladeeda ugu geeriyoonaya cudurkan.

Zororo Makamba oo 30 sano jir ahaa ayaa sabtidii la geeyay Isbitaal kuyaala magaalada Harare kadib markii ay xaaladiisa ka dartay, wariyahan ayaana markii dambe u geeriyooday Caabuqa Coronavirus.

Wariyahan dalka Zimbabwe ugu geeriyooday Cudurka coronavirus ayaa kamid ahaa wariyaasha ugu caansan dalkaasi, waxaana la sheegay in Wariyahan oo ahaa nin dhalinyaro ah uu kasoo jeeday qoys hanti leh oo laga yaqaan Zimbabwe.

Geerida wariyahan dhalinyarada ahaa ayaa meesha ka saareysa hadal heyn ku aadaneyd in dadka Zimbabwe aaminsan yihiin in Cudurka Coronavirus uusan dilin dhalinyarada balse uu dilo dadka waa weyn oo keliya.

Caabuqa Coronavirus ayaa kusii faafaya daafaha dunida, waxaana inta badan dadka u dhintay cudurkan la sheegay in ay yihiin dad da’ ah, waxaana aad u yar dhalinyarada u geeriyootay cudurkan sida ay sheegeen khuburada caafimaadka ee cudurkan la socda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9373 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: