Wararka

Qarax geystay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay goob ku dhow taalada Sayidka ee…


Nin waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray ayaa isku qarxiyay goob lagu shaaho oo kutaala halka loo yaqaan Baar Bulsho oo ku dhow Taalada Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in ninka waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray gudaha u galay goobta lagu shaaho kadibna isku qarxiyay, waxaana qaraxaasi ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay sadex qof uu ku jiro ninkii waxyaabaha qarxa isku soo xiray ayaa ku geeriyooday qaraxa, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay dad ka badan afar qof oo kale oo shacab ah.

Ciidamada amaanka ayaa qaraxa kadib gaaray goobta uu ka dhacay, waxa ayna ciidamada sameeyeen howlgalo iyagoo sidoo kale u gurmaday dadkii ay waxyeelada kasoo gaartay qaraxan ismiidaaminta ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9373 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: