Wararka

Xubno ka tirsan al-Shabaab oo la sheegay in lagu dilay deegaanka Dooynuunay ee Gobolka Bay….


Sarakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in deegaanka dooynuunay oo qiyaastii 18 kiilo mitir u jirta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ku dileen 12 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab kadib markii ay isku dayeen inay soo weeraraan fariisinka Ciidanka Xoogga ee degaankaasi.

Taliyaha Qeybta 60aad ee Ciidamanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeya Guuto Maxamed Sheekh Cabdullaahi oo wareysi siiyay Idaacada dowladda isagoo ku sugan jiida hore dagaalka ee aaga dooynuunay ayaa sheegay in Al-shabaab uu khasaaro xoogan lagu gaarsiiyay dagaalkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Jeneraal Maxamed Shiikh ayaa tilmaamay in Alshabaab ay ka dileen ku dhawaad 12 ka mid ah dagaalamayaasha Alshabaab isaga oo sheegay in ay dhaawacyo soo gaareen tira intaas ka badan.

Shalay ayay aheyd markii deegaanka Dooynuunay ee gobolka Bay uu ka dhacay dagaal khasaaro geystay oo dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Alshabaab kaas oo guulo ay ka sheegteen Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (9373 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.

U dhaaf Halcelis

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Beddel )

Google photo

You are commenting using your Google account. Log Out /  Beddel )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Beddel )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Beddel )

Connecting to %s

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

%d bloggers like this: