Wararka

Kooxda Paris Saint-Germain oo saxiixa Sadio Mane ku dooneysa lacag waalan xagaaga soo…


Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa waxay sheegayaan in kooxda Paris Saint-Germain ay diyaarineyso dalab soo jiidasho leh oo ay kula soo saxiixaneyso weeraryahanka Liverpool ee Sadio Mané inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Xiddiga reer Senegal ayaa wuxuu xiiso balaaran kaga imaanayaa macalinka kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane, kaasoo doonayay inuu la soo saxiixdo tan iyo sanadkii 2018, wuxuuna macalinka reer France ay u muuqataa inuu qorsheynayo in uu markale la galo wada hadalo cusub si uu u helo adeegiisa xagaaga soo socda.

Sida laga soo xigtay War sidaha “Don Balón” ee dalka Spain Real Madrid ayaa waxay diyaarineysaa dalab dhan 140 milyan oo euro si ay ula soo saxiixato Sadio Mane xagaaga soo socda, iyagoo rajeynaya in lacagtaasi ay qancin doonto Liverpool.

Wargeyska ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku sii daray in howlgalka Real Madrid ay ku dooneyso saxiixa Sadio Mané aysan marna noqon doonin mid fudud, sababa la xiriira in Liverpool ay diidan tahay inay fasaxdo laacibkeedan.

Laakiin dhinaca kale kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u tahay bixinta dalab weyn ay u gudbiso kooxda reer England, si ay uga qaadato Sadio Mané.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in kooxda Paris Saint-Germain ay qorsheyneyso inay Sadio Mane ku soo qaadato qiimo lacageed oo ka badan inta ay soo bandhigtay Real Madrid, si ay ula mideyso Kylian Mbappé, iyagoo ka faa’ideysanaya lacagta ay ka heli doonaan iibinta Neymar Jr oo la rajeynayo inuu dib ugu laabto naadiga Barcelona.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10146 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: