Wararka

Marco Materazzi oo xaraashaya maaliyadii koobkii adduunka ee 2006 oo Zidane madaxa uga…


Daafaca kooxda kubada cagta ee qaranka Talyaaniga Marco Materazzi oo wadankiisa u horseeday qaadista Koobkii Adduunka ee 2006 – wuxuu shaaca ka qaaday oo soo bandhigay maaliyaddii uu ku saftay ciyaartii ugu dambeysay ee ay la ciyaareen kooxda qaranka France koobkii adduunka, xilligaas oo teesto dhinaca madaxa ah xabadka uga dhuftay ciyaayahanakii caanka ahaa ee reer France Zinedine Zidane oo lagu iibinayo xaraash oo wixii ka soo baxa oo maal ah lagula dagaalami doono coronavirus.

Materazzi oo 46 jir ah, ayaa ku sheegay barihiisa bulshada ee rasmiga ah inuu ku deeqi doono qiimaha maaliyada si loola dagaallamo viruska ku faafaya Talyaaniga.

Daafaca reer Talyaani ayaa u ekeysiiyey darbadii madaxa Zidane uga dhuftay xabdkiisa isagoo u sii maraya hanaan farshaxan ah sanadkii 2018, oo uu dhigay gurigiisa hortiisa ee Talyaaniga, kaasoo uu ka muuqdo isagoo kor u qaadayo Koobka Adduunka halka xiddiga reer France uu dhuulka ku faniinay.

Guushan ayaa aheyd finalkii Koobka Adduunka ee 2006 oo lagu qabtay Jarmalka, markii daafaca Azure Materazzi uu ku guuleystay inuu ka xanaajiyo “kubad sameeyaha” faransiiska Zidane, kaasoo ka baxay qaab ciyaareedkiisii ​​degenaa oo caadiga ahaa ee lagu yaqaanay isla markaana madaxa xabadka uga dhuftay daafaca reer Talyaani oo aan u muuqan inuu ilaaway dhacdadaas haba yaraatee muddo 14 sano kadib.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11495 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: