Wararka

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxii ismiidaaminta ee Garowe lagula eegtay…


Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax ismiidaamin ahaa oo caawa Garowe lagula eegtay guddoomiyaha gobolka Nugaal, Cabdisalaan Xasan Xirsi Gujir iyo sarkaal la socday xilli ay ku dhex jireen gaarigooda.

Qoraal kasoo baxay Al-shabaab oo lagu faafiyay baraha Internetka ee kooxda, ayaa lagu sheegay weerarkaan in lala eegtay mas’uuliyiin sare oo Puntland katirsan.

Al-shabaab faahfaahin dheeri ah ma aysan bixin, balse waxay sheegeen inuu weerarkaan ahaa howl ay ku guulaysteen fulintiisa.

Laamaha ammaanka Puntland ayaa haya macluumaad ku saabsan qofka is qarxiyay sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Punttland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10143 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: