Wararka

Qof isa soo miidaamiyey ayaa isku qarxiyey Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Gu’jir…


Wasiirka Arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax caawa ka dhacay gudaha magaalada Garoowe.

Wasiir Dhabancad, ayaa sheegay in qof isa-soo miidaamiyay uu fiidnimadii caawa isku qarxiyay Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi Gu’jir oo uu weheliyay Taliyihii hore ee qeybta Booliska Gobolka Nugaal G/sare Faarax Cabdiraxmaan Warsame (Galan-goolli) oo weerarkaas ku dhaawacmay.

Waxaa uu intaas raaciyay in sidoo kale uu jiro qof shacab ah oo isna ku dhaawacmay qaraxa, kuwaasoo dhammaantood lagu dabiibayo Isbitaalka weyn ee magaalada Garowe, isagoo xusay ineysan jirin cid loo qabtay.

Dhabancad ayaa sheegay in illaa iyo hadda aysan jirin cid loo qabtay qaraxan balse ay socdaan baaritaano iyo dabagalo lagu ogaanayo halka laga soo abaabulay.

Weli ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxan inkastoo qaraxyada noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab.

Magaalada Garowe ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu nabdoon Somalia, loogamana baran weeraradan oo kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10146 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: