Wararka

Laacibiinta kooxda Barcelona oo ogolaaday in mushaarkooda laga jaro 70% inta lagu…


Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa shaaca ka qaaday in ciyaartooydeeda boqoliiba todobaatan (70%) mushaarka laga jari doono inta lagu gudo jiro marxaladda cudurka coronavirus oo sidoo kale saameeyay dhaqaalaha caalamka.

Kabtanka kooxda Lionel Messi ayaa sheegay in arrintan looga gol-leeyahay sidii ay u caawin lahaayeen kooxdooda.

Waxaa go’aanka kooxdan Barcelona ka horreeyay mid ay maalmo ka hor qaateen ciyaartoda kooxda Juventus kuwaas oo muddo afar bilood ah mushaarkooda hakiyay.

Dalka Spain ayaa u muuqda in uu saameynta ugu badan caalamka uu ku reebay cudurka coronavirus, waxaana uu ilaa iyo iminka uu ka dilay dad kor u dhaafaya 7,340.

Kooxaha ka dhisan dalka Jarmalka ee Bayern Munich iyo Borussia Dortmund ayaa iyana qaatay go’aan mushaar jaris ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10146 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: