Wararka

Cudurka Coronavirus kadib nidaamka adduunka ma sii ahaan doono sidii hore, isbedelo ayaa….


Waxaa la saadaaliyey cudurka coronavirus kadib inuu nidaamka adduunka sii ahaan doonin sidii hore waxaa isbedel xooggan ku dhici doonaa Qaramada Midoobay, sidoo kale dowladaha hadda hor boodaya caalamka oo saameyntooda hoos u dhici doonto, dowlado xoolo badan lahaa oo wax beeli doona iyo sidoo kale dowlado burburi doona oo dowlado u qeybsami doona.

Haddii aan ku bilaabno tan Qaramada Midoobay, waxaa dhici doonta dib u habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee shanta Veto-ga iska leh wax badan laga bedeli doono, hay’adaha Qaramada Midoobay sida WHO oo isbedel lagu sameyn doono habka ay u shaqeyso, lacagta ku baxdo QM oo la soo yareyn doono, sidaasina shaqaale badan ku shaqo weyn doonaan, hay’adaha kale ee QM oo la daalaa dhici doona wax ka qabashada bahida dadka ay soo barakiciyaan masiibooyinka dabiiciga ah, colaadaha, cudurada iwm, QM oo awoodeeda af beeli doonto.

Dowladaha hadda caalamka horboodaya sida Mareykanka oo kale oo weyn doona kaalintiisa hogaaminta caalamka,waxaa loo badinayaa inay kaalintaasi ciyaarto Shiinaha waqtiyada soo socda, waayo hogaamintii caalamka ee Mareykanka waxaa kashifay cudurka coronavirus kaasi oo cowradiisa banaanka soo dhigay, dowlada Ruushka ma ahaan doonto dowladaha quwadaha leh, waxay ka mid noqon doontaa kuwa gobolka, Britain awoodeedii saameynta iyo dhaqaalaheeda ayaa meesha ka baxaya, waxay ka mid noqon doontaa awood goboleed, sidoo kale faransiiska ma sii ahaan doono dowlad saameyn ku leh adduunka haba yaraatee, heybadii Mareykanka ee adduunka ayaa hoos u dhici doonta.

Dowladaha ugu dhaqaalaha buuran adduunka oo dhaqaalahooda ku dhisan shidaalka iyo dollar-ka ayaa waxaa soo wajihi doona dhaqaale xumo baahsan, ku tiirsanaanta Dollar-ka ayaa hoos u dhici doonta, dowladaha qaarkood waxay sameysan doonaan lacagaha digitalka sida Bitcoin inay kula macaamilaan adduunka waxna ku iibsadaan loogana iibsado, dowladaha dhaqaalahooda ku saleysan shidaalka ayaa hoos u dhici doona dhaqaalahooda, qaarkood ayaa falisi doona, ma noqon doono shidaalka silcad la isku haleyn karo muddo aan dheereyn.

Waxaa dhici doona dowlado badan oo kala jajabi doona, haddii aad fiiriso qaarada Asia dal weynaha Shiinaha ayaa ka go’i doona Hong Kong, Taiwan iyo Macau, dalka Syria ayaa u kala jabi doona maamulo Sunni iyo shiico ah, Ciraaq ayaa u kala jabi doonta seddax qeybood, Sunni, Shiico iyo Kurdi, Iran oo seddax u kala jabi doonto, gobolada shiicada, kuwo Sunnida iyo kuwa Kurdida, Sacuudiga ayaa loo baqaa haddii caa’ilada heysata xukunka laga ceyriyo xukunka inay dowlado u kala jabto, Yemen ayaa labo u kala Jabi doonta, Lebnaan ayaa sidoo kale labo qeybood u kala jabi doonta, Turkiga haddi laga ceyriyo xukunka Islaamiyiinta oo qabsada calmaaniyiinta waxaa dhici karta dagaal sokeeye iyo aargudasho.

India, Pakistan, Indonesia, Afghanistan, Malaysia oo dhamaantood ka marnaan doonin saameynta coronavirus oo ay ka dhici doonaan isbedelo.

Dhinaca Afrika dalalka kala gogo’i doona waxaa ka mid ah Itoobiya oo qowmiyado u kala go’i doonto, Sudan oo qowmiyado u kala go’i doonto, Somalia oo qabiil kala goyn doono, Nigeria labo gobol u kala bixi doonaan, Masar oo gobolo u kala bixi doonto, Libya oo kala qeybsami doonto, Algeria oo cudurka kala qeybsanaanta lagu abuuri doono, Cameroon oo labo gobol u kala jabi doonto, sidoo kale Afrika Dhexe oo kala jabi doonto, Congo oo sidoo kale la filayo inay kala go’do iyo kuwo kale oo fool ah.

Dhinaca Yurub ma jiri doono wax la yiraahdo Midowga Yurub, waxay u kala bixi doonaan dowlad dowlad kadib saameynta coronavirus, dhaqaalaha Yurub ayaa hoos u dhici doona, wadamada Balkan-ka ee u xanqal taagaya inay ku biiraan Midowga Yurub oo aan la siin doonin taageerada ay u baahan yihiin, Israel oo loo cabsanayo jiritaankeeda muddooyinka soo socda, Falastiiniyiinta oo aan weligood heshiineynin, Greece, Talyaaniga, Spain iyo Portugal oo ahaan doona dalalka Yurub kuwa ugu saboolsan marka laga reebo kuwa Bariga.

Spain oo labo gobol u kala jabi doonto, xataa Italy waa loo cabsadaa in coronavirus uu saameyn ku yeesho isla jirka Waqooyiga qaniga ah iyo Koonfurta tacbaanka ah.

Qaarada Amerika oo iyaduna qeyb ka noqon doonta saameynta uu reebo cudurka coronavirus, dal weynaha Mareykanka oo kala furfurmi doono haddii dib loo soo doorto Madaxweynaha hadda xilka haya, waayo wuxuu dhiiri geliyaa in lagu caasi garoobo madaxda maamulada gobolada, taasi oo rabshado dhalin karto, sidaasi darteed gobolada qaarkood ay iclaamin doonaan inay ka go’een inta kale ee Mareykanka, dad baa is dhihi doono waa khiyaali, waa dowlad weyn oo jirtay muddo dheer, taasi waxay daliil kuugu tahay eeg Soviet Union inta dowlad uu u kala baxay.

Cuba oo laga yaabo inay noqoto dowlad saameyn weyn ku leh adduunka qeybtii ay ka qaadatay gurmadkii dowlado badan oo ka mid ah kuwa lagu sheego inay horumareen ay kula dagaalamayeen coronavirus oo taag u waayey, waxay taasi geyeysiisay inay hesho ictiraaf caalami ah sida ay u badbaadiyeen dad badan oo u dhiman lahaa cudurka, maadaama xulafadii ay isku haleynayeen ay ka gaabiyeen inay gurmad u fidiyaan oo noqotay arrintu naftay naftay.

Waxaa sunno ah haddii masiibo weyn adduunka ku habsato oo cidina ka badbaadin ay lagama maarmaan tahay in nidaamka uu ku shaqeeyo adduunka wax laga bedelo, waxaa taasi daliil u ah dagaalkii labaad ee adduunka 1945 kadib isbedelkii ku dhacay adduunka oo socday ilaa 1989 ilaa laga burburiyo derbigii Berlin oo halkaasi ku qeybsamay Soviet Union, tanina waxay abuuri doontaa xaalado taasi la mid ah oo aanan laga fursan doonin.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: