Wararka

Shirkadda Facebook oo ku dhawaaqday 20kii xubnood ee ugu horeeyey ee guddiga la socodka…


Shirkadda Facebook ayaa waxay ku dhawaaqday labaatankii xubnood ee ugu horreeyay ee guddigooda la-socodka, oo ah hay’ad madax-bannaan oo go’aan ka gaari karta siyaasadaha Facebook isla markaana ka caawin karta kormeerka waxyaabaha jira iyo dhageysiga go’aanada rafcaanka ee jira.

Guddiga madaxa banaan, oo qaarkood ay ugu yeeraan “maxkamada ugu sareysa” ee Facebook, waxay awood u yeelan doonaan inay baabi’iyaan go’aannada ka soo baxa shirkadda iyo madaxa shirkadda Mark Zuckerberg ee ku saabsan haddii ay waajib tahay in la oggolaado in la xannibo noocyada waxyaabaha ku jira Facebook iyo Instagram.

Fikrada iyo bilowga
Fikradda maxkamadda ayaa looga golleeyahay in looga hortago dhaleeceynta shirkadda oo sanadihii la soo dhaafay ay la kulantay, taas oo ay ugu wacan tahay arrimo la xiriira kormeerista waxyaabaha ku qornaa bartooda, sida ku guul darreysiga la dagaallanka hadallada naceybka ee dalalka qaar iyo daabacaadda sawirrada iyo waxyaabaha marin habaabinta horseeda.

Zuckerberg ayaa wuxuu sheegay sanadkii 2018 guddiga madaxa banaan “wuxuu diirada saari doonaa kaliya bulshadeena,” isagoo intaa raaciyay “ujeedka hay’adan waa in loo hogaansamo mabda’a in dadka cod la siiyo iyadoo la ilaalinayo amniga dadka.”

Guddiga kormeerka ayaa diiradda saari doona qayb yar oo ka mid ah arrimaha la soo dersay oo ay ka mid yihiin hadalka nacaybka, daandaansiga, iyo badbaadada dadka.

Xubnaha maxkamada iyo awoodooda
Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in xubnaha guddiga ay ku noolaayeen 27 dal oo ay ku hadlayaan ugu yaraan 29 luqadood, in kasta oo rubuc ka mid ah kooxda iyo laba ka mid ah afarta ku-meel-gaarka ah ay ka yimaadeen Mareykanka, halkaasoo xarunta shirkadda ay ku taallo.

Madaxda maxkamadda, oo iyagu doortay xubnaha kale ee Guddiga korjoogtada iyagoo la shaqeynaya Facebook, waa garsoore hore oo ka tirsan maxkamada federaalka Mareykanka iyo khabiir dhinaca xorriyadda diinta Michael McConnell, khabiirka sharciga dastuurka ee Jamaal Greene, iyo qareenada reer Colombia Catalina Potero Marino iyo Raiisul wasaarihii hore ee Denmark Haile Thong Schmidt.

Xubnaha ayaa waxaa ka mid ah u ololeeyaha xuquuqda aadanaha ee Yemen oo heysata abaalmarinta Nobel Peace Prize Tawakkol Karman, iyo kuxigeenka madaxa machadka Kato John Einat oo ah qofkii qoray buugga “Halganka lagu dhimayo awooda Dowladda,” iyo sidoo kale Alan Rossbridge, tifaftirahii hore ee wargayska Guardian ee Ingiriiska, mas’uulna ka ahaa daabacaadda warqadihii sirta ahaa ee Hay’adda Amniga Qaranka oo dusiyey Edward Snowden.

Tawakkol Kerman ayaa boggeeda Twitter-ka ku muujisay sida ay ugu faraxsan tahay inay ku biirto guddiga faafreebka, waxayna rajo wanaagsan ka muujisay in goluhu soo afjari doono waxay ku tilmaamtay inay tahay dowlado awood u leh warbaahinta iyo macluumaadka.

Awoodda guddigaan waxay ku xirantahay ka gudbida awoodaha maamulka sare ee Facebook ee go’aamada siyaasada iyo maareynta waxyaabaha ay ka kooban yihiin, waxaa jiri doonaa 40 xubnood guud ahaan, xubno isku dhafan oo ay ka soo kala jeedaan dhaqano iyo aqoon kala duwan, midkoodna xiriir toos ah lama lahan Facebook-ga, waxaana lagu maalgelin doonaa sanduuq maaliyadeed oo ku fadhiyaa 130 milyan oo dollar.

Goluhu wuxuu dhegeysan doonaa dacwadaha iyaga oo kooxo shan ah wuxuuna soo saari doonaa go’aannada kama dambaysta ah, sida Facebook-ga uu ku xaqiijiyey boggooda in go’aammada goluhu ay qasab ku tahay shirkaddu, haddii uusan sharciga jebineynin.

Goluhu wuxuu diiradda saari doonaa kiisaska saameynta ku leh adduunka dhabta ah, kuwaa oo muhiim u ah la hadalka dadweynaha isla markaana kor u qaadaya su’aalaha ku saabsan siyaasadaha hadda jira ee Facebook, khaas ahaan qeexitaanka khadka u dhexeeya dhaleeceynta iyo hadalka nacaybka, nooca waxyaabaha la faafiyo ka dib dhacdooyinka naxdinta leh, iyo haddii ay qasab tahay in lala tacaamulo waxyaabaha ay dadka guud ku takri falayaan Si ka duwan waxyaabaha kale.

Dadka loo xushay inay xudun u yihiin maxkamaduhu waxay leeyihiin darajooyin cilmi oo sareeya taasi oo ka dhigaysa kuwo ku habboon go’aaminta xaaladaha xasaasiga ah ee bulshada, laakiin su’aashu waxay tahay: miyey awood u yeelan doonaan?

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10604 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: