Wararka

Burcad soo xiratay maaskaro ka sameysan wajiga ciyaaryahan Maxamed salah oo dhac ka…


Booliiska dalka Masar ayaa gacanta ku dhigay afar nin oo burcad ah oo dhac ka geystay xarumo ganacsi oo kuyaala magaalada Qaahira, burcadan ayaana la sheegay in wajiga kusoo xirteen maaskaro ka sameysan wajiga ciyaaryahan Maxamed Saalax.

Burcadan oo hubeysneyd ayaa xili ay dhac ka geysanayeen xaafada Nasri ee magaalada Qaahira waxa ay isku dhaceen ciidamada booliiska, waxa ayna ku baxsadeen gaari yar kahor inta aysan booliiska gacanta kusoo dhigin.

Ciidamada booliiska ayaa soo bandhigay afartan nin ee burcada ah iyadoona hortooda lasoo dhigay maaskarada wajiga Ciyaaryahanka kooxda Liverpool Maxamed Saalax ay dhaca u adeegsanayeen iskuna qarinayeen.

Xiddiga xulka kubada Cagta ee Masar iyo kooxda Liverpool Maxamed Saalax ayaa taageero badan ku leh dalkiisa, waxaana baraha bulshada hadal heyn badan ka abuuray burcadan wajiga u adeegsatay dhaca.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10600 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: