Wararka

Bilyaneerka reer Syria Rami Makhlouf oo si ku meel gaar ah loo hakiyey in uu safro…


Wasaaradda Caddaaladda Syria ayaa Khamiistii waxay soo saartay go’aan ka mamnuucaya ganacsadaha Syrian-ka Rami Makhlouf, ina Abtiga Madaxweyne Bashar al-Assad oo ah mid ka mid ah tiirarka dhaqaale ee nidaamka muddo tobanaan sano ah, ayaa si ku meel gaar ah looga hakiyey inuu safro sababo la xiriira lacag ay ku leedahay shirkadiisa dowlada.

Makhlouf wuxuu madax ka yahay Syriatel, waa shirkadda isgaarsiinta ugu weyn ee Syria, waxaa khilaaf soo kala dhexgalay mas’uuliyiinta iyo isaga oo ka dalbaday inuu bixiyo $ 185 milyan sababta oo ah xuquuq ku waajibtay shirkadiisa.

Mas’uuliyiinta ayaa ku hanjabay inay qaadi doonaan dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah soo celinta lacagta xaqa loogu yeeshay shirkadiisa Syriatel si ay u sii wadato shaqadeeda, laakiin Makhlouf wuxuu eedeymahaas ku tilmaamay “mid aan caddaalad ahayn oo caddaalad darro ah.”

Wasaaradda Caddaaladda ayaa boggeeda Facebook ku daabacday amar ka soo baxay maxkamadda, “Waxaa la reebay qofka dawcada lagu soo oogay ee (Makhlouf) in si ku meelgaar ah dalka uga bixi karin, ilaa la gaaro natiijada go’aanka salka ku haya kiiska oo ah bixinta lacagta lagu yeeshay.”

Go’aanka maxkamadda ayaa sheegay in, “Xayiraadda safarka ka yimid codsi Wasaaradda Isgaarsiinta, waana la laali doonaa haddii Makhlouf bixiyo lacagtii lagu lahaa.” Go’aanka ma uusan cadeynin tirada wadarta lacagtaasi. “

Waqti hore ayaa wuxuu sheegay bilyaneerka reer Siiriya, oo isagu sidoo kale ku leh saamiyo korantada, saliida iyo waaxda guryaha, ayaa sheegay in Hay’ada Isgaarsiinta iyo Boostada “ay xanibeen lacagtaydii iyo lacagtii xaaskeyga iyo carruurteydii.”

Wuxuu intaas ku daray qoraal uu soo dhigay barta Facebook-ga in sidoo kale uu ka helay ogeysiis dowladda in laga xayuubiyey “inuu qandaraas la galo dowladda muddo shan sano ah.”

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10600 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: