Wararka

Ciyaartooy badan oo ka ciyaaray naadiyo waaweyn hadana helin aqoonsigii ay mudnaayeen…

ROME, ITALY - MAY 26: Daniele De Rossi of AS Roma greets the fans during his last match of the Serie A between AS Roma and Parma Calcio at Stadio Olimpico on May 26, 2019 in Rome, Italy. (Photo by Paolo Bruno/Getty Images)

Ciyaartooy badan ee kubbada cagta oo ka ciyaara naadiyo waaweyn laakin inta badan aanay noqon xiddigo caan ah taasi oo loo aaneynayo warbaahinta oo ka hiilisay inay soo bandhigaan hibadooda kubbada cagta.

Si kastaba ha noqotee, qaar kale oo wax badan u qabtay kooxahooda ayaa warbaahinta dulmisay oo ma helin aqoonsigii ay xaqa u lahaayeen.

Kuwa ugu caansan ee inta la xaqiray waxaa ka mid ah:

  • Daniele De Rossi (Roma): oo talyaani ah Wuxuu ciyaaray 616 kulan ee funaanadaha kooxda wuxuuna dhaliyay 63 gool.
  • Joaquin oo Isbaanishka ah (Real Betis): wuxuu ciyaaray 377 kulan oo uu xirnaa maaliyada kooxda wuxuuna dhaliyay 57 gool.
  • Goolhayaha reer Brazil Rogerio Ceni (Sao Polo): wuxuu ciyaaray 368 kulan oo uu xirnaa maaliyada kooxda wuxuuna dhaliyay 48 gool.
  • Claudio Marchisio (Juventus): oo Talyaani ah Waxa uu ciyaaray 389 kulan oo uu xirtay maaliyada kooxda waxa uuna dhaliyay 37 gool.
  • Mark Noble (West Ham): oo Ingriis ah Waxa uu ciyaaray 495 kulan oo uu xirtay maaliyada kooxda waxa uuna dhaliyay 60 gool.
  • Xiddiga reer Spain Guti (Real Madrid): Waxa uu ciyaaray 542 kulan intii uu xirnaa maaliyada kooxda waxa uuna dhaliyay 77 gool.
  • Xiddiga reer Spain Gabi (Atletico Madrid): wuxuu ciyaaray 413 kulan maaliyada kooxda wuxuuna dhaliyay 10 gool.
  • Xiddiga reer Spain Aritz Aduriz (Athletic Bilbao): Waxa uu ciyaaray 405 kulan oo uu xirtay maaliyada kooxda waxa uuna dhaliyay 172 gool.
  • Xiddiga reer Spain Bruno Soriano (Villarreal): wuxuu ciyaaray 416 kulan oo uu xirtay maaliyada kooxda wuxuuna dhaliyay 31 gool.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10603 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: