Wararka

Koleygii uu ku riday Michael Jordan kubbada oo sodon sano kadib lagu iibsaday 18 kun oo dollar…


Dhacdadii taariikhiga ahayd ee kubbada koleyga ee halyeeyga Michael Jordan uu shabaqa si xoog ah ugu riday ayaa dhalisay muddo sodon sano kadib in lagu kala iibsado koleygaasi $18.000, ka dib markii lagu iibiyay xaraash furan.

Dhacdadan ayaa Jordan ku riday shabaqa si adag taasi oo ku caan baxday naaneysta “toogasho timid waqtigeeda” taasoo kooxdiisa Chicago Bulls ku hogaamisay guul 101/99 dhibcood oo ay ka gaareen kooxda Cleveland Cavaliers ilbiriqsigii ugu dambeeyey ee kulanka ee wareegii ugu dambeeyey ee NBA ee kubada koleyga sanadkii 1989.

Shabaq ku ridida Jordan ayaa kooxdiisa u horseeday inay guuleystaan daqiiqadii ugu dambeysay si ay ugu gudbaan wareega xiga ee isreebreebka ciyaaraha Bariga.

Jordan ayaa waxa uu ku guuleystay NBA lix jeer oo uu la qaaday kooxda Chicago Bulls.

Khubarada ciyaaraha ayaa u arka Jordan inuu yahay kan ugu fiican taariikhda ciyaartan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10600 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: