Wararka

Kooxo bistoolado ku hubeysan ayaa Suuq bacaad ku dilay nabadoon iyo nin ilaalo u ahaa…


Kooxo biskoolado ku hubeysan ayaa barqadii maanta Xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaqshiid waxa ay ku dileen Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyo nin la sheegay in uu ilaalo u ahaa Ugaaska.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Ugaaska oo caan ka ahaa Degmada Yaqshiid iyo ninka ilaalada u ahaa lagu dilay maqaayad shaaha laga cabo oo kutaala Agagaarka Masaajidka Xaaji Cabdi Indhooy ee Xaafada Suuq Bacaad.

Raggii hubeysnaa ee dilka geystay oo la sheegay in ay ahaayeen dhalinyaro ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana maqaayada lagu dilay Ugaas Xuseen Maxamed iyo ninka la socday ka kala cararay dadkii kale ee ku sugnaa.

Ciidamada booliiska saldhiga Yaqshiid ayaa dilka kadib goobta soo gaaray, mana ku guuleysan in ay gacanta kusoo dhigeen dableydii ka dambeesay dilka ka dhacay xaafada Suuq Bacaad.

Maamulka Degmada Yaqshiid iyo taliska booliiska gobolka Banaadir ayaan wali ka hadlin nabadoonkan maanta lagu dilay magaalada Muqdisho, mana jirto ilaa hada cid sheegatay mas’uuliyada dilkaasi.

Shabakada wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10603 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: