Wararka

Messi ayaa soo xushay liis ka kooban 15 ciyaartoy oo uu aaminsan yahay inay noqon doonaan xiddigaha…


Ka dib markii ay labada xiddig ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ay soo gaareen gebagabada xirfadooda kubada cagta, waxaa bilaabatay hadalheyn ku saabsan cidda beddeli doonta labada xiddig ee adduunka kubada cagta.

Ronaldo, 35, iyo Messi oo 32 jir ah ayaa ah kuwii badalay xidigihii kubbada cagta ee hore, runtiina waxaa imaan doona gadaashooda dad badala waana sunnada nolosha haddii labada xiddig ay howlgab noqdaan dhowaan waxaa la arki doonaa oo soo muuqan doonaa xiddigo cusub oo sii wada madadaalada taageerayaasha.

Lionel Messi, kabtanka Barcelona iyo Argentina, ayaa soo xushay liis 15 ciyaartoy oo uu aaminsan yahay inay noqon doonaan xiddigaha mustaqbalka:

Xiddiga reer England Alexander-Arnold, oo 21 jir ah, daafaca dambeedka ee Liverpool.
Xiddiga Mareykanka Christian Pulisic oo 21 jir ah oo garabka ka ciyaara kooxda Chelsea.
Xiddiga Ingriiska Mason Mount, 21 jir ah, oo ka ciyaara khadka dhexe ee Chelsea.
Xiddiga Ingriiska Phil Foden, waa 20 jir oo ka ciyaara khadka dhexe ee Manchester City.
Xiddiga Ingriiska Jadon Sancho, waa 20 jir, oo ka ciyaara garabka Dortmund.
Xiddiga Serbia Luka Jovic, 22 jir, weerarka Real Madrid.
Xiddiga Jarmalka Kai Havertz, 20 jir, oo ka ciyaara garabka Bayer Leverkusen.
Xiddiga Brazil Eder Militao, 22 jir oo ah daafaca Real Madrid.
Xiddiga reer France Ousmane Dembele (23 jir) oo ka ciyaara garabka Barcelona.
Xiddiga reer France Hossam Awar, oo 21 jir ah, oo ka ciyaara khadka dhexe ee Lyon.
Xiddiga Holland Frankie de Jong, 23 jir, waa khadka dhexe Barcelona.
Xiddiga reer Portugal Joao Felix, 20 jir, khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid.
Xiddiga reer France Kylian Mbappe, 21 jir, weerarka Paris St Germain.
Xiddiga Jarmalka Joshua Kimmich oo 25 jir ah, daafaca Bayern Munich.
Xiddiga reer France Benjamin Pavard, 24 jir, daafaca dambeedka ee Bayern Munich.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10600 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: