Wararka

Shaqadii adkeyd ee ka socotay garoonka Stadium Mogadishu oo la soo geba gabeeyey…


Muddo dheer oo dib u dhis iyo dayactirba lagu waday Garoonka Stadium Muqdisho ee Magaalada Muqdisho ayaa la soo geba-gabeeyay shaqadii adkeyd ee dib loogu hagaajinayay.

Garoonka Stadium Muqdisho oo ah kan dalka ugu weyn ayaa burbur xoogan uu ka soo gaaray dagaaladii sokeeye iyo dagaaladii Magaalada Muqdisho ku dhex maray Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika iyo Ururka Al Shabaab.

Garoonka oo sideed sano in ku dhow ay deganeyd Amisom ayaa siyaabooyin kala duwan loogu ekeeyay madaafiic ay Shabaabku ka soo tuureen goobo kala durugsan.

Dib u dhiska xilligan lagu sameeyay Garoonka Stadium Muqdisho ayaa waxaa maalgeliyay Ururka Midowga Yurub, iyadoo loo sii marayo hay’ado maxali ah.

Cayaaro badan oo indhaha dunida soo jiitay ayuu martigeliyay garoonkan, ka hor xilligii burburka, in dib loo hawlgeliyana waxaa ay calaamad u tahay dib u soo kabashada Somalia.

Dib u hawlgelinta garoonkan ayaa muhiim u ah bahda cayaaraha.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10600 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: