Wararka

Xukun dil ah oo lagu fuliyey askari horey u dilay Taliyihii Ilaalada Garoonka Diyaaradaha Bosaso…


Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee maamul Goboleedka Puntland ayaa xukun dil ah ku fulisay askari katirsanaa ciidamada maamulkaasi oo horey u dilay Taliyihii Ilalaada Garoonka Diyaaradaha Bosaso Marxuum Xasan Shire Ammaan.

Dilkan sargaalkan oo dhacay 7 bishii December Sanadkii 2015ki ayaa waxaa geystay askari lagu magacaabayay Axmed Aadan Maxamed Gaagaale, waxaana la sheegay in dilkaasi salka ku hayay muran labada nin dhax maray.

Fagaare kuyaala magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa xukunka dilka ah lagula fuliyay askariga gacan ku dhiiglaha ah, waxaana goobjoog ka ahaa toogashada Guddoomiyaha maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Puntland iyo Mas’uuliyiin kale.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10600 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: