Wararka

Nin Danish ah oo deriskiisa dhibaato ku qabay oo sariirtiisa soo dhigtay wadada caro…


Nin 54-jir Danish ah oo qaati ka taagan dariskiisa ayaa caro darteed sariirtiisa ula soo baxay bannanka, isagoona dhigtay wadada bartankeeda, habeena ku baryay.

Sidii uu u hurdayay ninkan ayaa waxaa waaberigii ugu yimid booliska kadib markii ruux wadada marayay uu taleefan u diray kuna wargeliyay in sariir iyo nin saaran ay wadada hareerkeeda yaalaan.

Booliska oo ninkan u yimid ayaa wareystay, waxaana uu sheegay in uu qaati ka taagan yahay dariskiisa, in muddo ahna dhibaato ku qabay, laakiin lama sheegin waxa ay dhibaatada salka ku hayso ee ku kaliftay in ninkani sariirtiisa bannaanka usoo qaato.

Wareysiga kadib booliska ayaa ku wargeliyey ninkan in uu dib ugu ceshto sariirtiisa gurigiisa islamarkaan uu hurdadiisa halkaas kusii wato.

Ninka ayaa qaatay amarka booliska, inkastoo uu ku adkeynayay in dariskiisa meel laga saaro.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Esbjerg ee gobolka Jylland.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10603 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: