Wararka

Feeryahanka Mareykanka Floyd Mayweather oo ballan qaaday bixinta qarashka duugta George…


Feeryahanka caanka ah ee Mareykanka Floyd Mayweather ayaa ballanqaaday in uu bixinayo dhammaan qarashka ku baxaya duugta George Floyd oo ay dhawaan booliska Minneapolis ceejada ku dileen.

Leonard Ellerbe oo ah madaxa hay’adaha feeryahankan ee Mayweather Promotions ayaa warbaahinta u sheegay arrintan, waxa uuna intaasi raaciyay in feeryahanku uusan jecleysan doonin xogtan aan idinla qeybsanayo.

Feeryahanka ayaa si shakhsi ah ula xiriiray qoyska ninka la dilay, waxaana uu uga tacsiyadeeyay geerida, isagoona usoo jeediyay in ay ka aqbalaan in uu isaga baxsho qarashka duugta.

Duugta ayaa ka dhici doonta magaalada uu ku dhashay George Floyd ee Houston 9ka bisha June.

25-kii bishii May ayay aheyd markii booliska magaalada Minneapolis ay dileen George Floyd kaas oo loogu yeeray kadib markii uu isku dayay in uu dukaan lacag faalso ah wax uga iibsado.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10603 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: