Wararka

Jilaa caan ah oo naxariis u muujiyey cunug yar oo isku dayay inuu kiciyo hooyadiisa dhimatay…


Jilaaga caanka ah ee shirkadda filimada Bollywood-ka Hindiya, Shah Rukh Khan ayaa la murugooday dhacdada ku saabsan cunug yar oo isku dayay inuu kiciyo hooyadiis oo ku geeriyootay goobta laga raaco tareenka.

Hay’adda samafalka Meer Foundation, oo uu leeyahay atoorahan, ayaa ballan qaadday inay dhaqaale ku caawineyso cunuggaas yar oo laga arkay muuqaal laga soo duubay boosteejada tareennada ee Muzaffarpur.

Ilmaha yar ayaa muuqaalka sida weyn u faafay laga daawaday isagoo isku dayaya inuu kiciyo hooyadiis oo goobta ku geeriyootay, xilli ay jiraan dhibaatooyin heysta dadka qaxootiga ah.

Meer Foundation ayaa baraha bulshada ku shaacisay sawir uu ka muuqdo cunugga yar oo la jooga ayeydiis iyo awowgiis, kuwaasoo hadda xannaaneyntiisa la wareegay.

“MeerFoundation way u mahad naqeysaa dhammaan dadkii nagu caawiyay inaan la xiriirno cunugga yar, oo muuqaalkiisa qalbiga taabanaya laga arkay isagoo isku dayaya inuu kiciyo hooyadiis,” ayaa lagu yiri qoraal lasoo dhigay bogga uu Shah Rukh Khan ku leeyahay Facebook.

Shah Rukh ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri: “Waad ku mahadsan tihiin inaad nasoo gaarsiiseen arrinta cunugga yar. Dhammaanteen waxaan ugu duceyneynaa inuu awood u yeesho sidii uu u wajihi lahaa nasiib darrada ugu xun dunida ee ah inuu waalid kaa dhinto. Waan garanayaa sida uu dareenkaas yahay.. Jacayl iyo taageeraba waan kula garab taagan nahay yariisoow.”

Shah Rukh wuxuu aabihiis ka dhintay isagoo ilmo yar ah, hooyadiisna waxay geeriyootay 30 sano ka hor.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10604 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: