Wararka

Faahfaahino dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal saakay ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka…


Faafaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kadib dagaal saakay waabarigii hore ka dhacay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellada dhexe oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-shabaab, waxaa iminka lagu soo warramayaa in xaaladdu ay degantahay, islamarkaana Ciidamada Dowladda oo wata gaadiidka dagaalka ay duleedka magaalada ka sameynayaan howl-gallo amniga lagu xaqiijinayo.

Waxaa la sheegay in halkaasi la isku weydaarsaday rasaas culus, dagaalkuna aad u xoogganaa, balse aan la sheegi karin khasaaraha labada dhinac.

Dhinaca kale warbaahinta taageerta Al-shabaab ayaa qortay in muddo kooban ay la wareegeen Balcad, balse markii dembe ay isaga baxeen.

Degmada Balcad ayaa ku taalla Gobolka Shabeellada dhexe, waxayna jihada waqooyi ka xigta caasimadda Soomaaliya oo ay ka fogtahay 30KM .

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10600 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: