Wararka

Booliska Sweden ayaa soo afmeeray kiiskii dilka ahaa ee R/wasaarihii hore ee Sweden Olof Palme…


Booliska Sweden ee u xilsaarnaa baaritaanka dilkii loo geystay Raisul wasaarihii hore ee dalkaas Olof Palme, ayaa shaaciyay maalmo ka hor magaca ninkii dilay Raisul wasaaraha sanadkii 1986dii. Waxayna arintan soo afmeeraysa kiiskan oo furnaa muddo soddon iyo afar sano ah.

Tan iyo xilligaas lama helin qofkii dilkaas geystay, iyadoo xitaa goobta lagu toogtay ay ahayd waddada ugu mashquulka badan dalka Sweden, tobannaan qofna ay toos u arkayeen nin dheer oo rasaasta ku riday ka hor inta uusan ka cararin goobtaas.

Ninka ay dacwad ooggayaasha u aqoonsadeen in uu dilay Ra’isul wasaaraha ayaa magaciisa lagu sheegay Stig Engstrom, wuxuuna is dilay sanadkii 2000, waxaana la sheegay inuu ahaa nin xag jir ah oo si weyn u diidanaa siyaasadaha Ra’isul Wasaaraha.

Olof Palme ayaa lagu yaqaannay inuu ahaa qof cod-kar ah, kana hadli jiray arrimo muran badan dhalin jiray gudaha iyo dibadda dalkiisa Sweden Wuxuu xilliga la dilay ku jiray muddo xilkeedkii labaad ee uu ku guuleystay kursiga Ra’isul wasaaraha Sweden.

Habeen Jimce ah, in ka badan 30 sano ka hor, Ra’isul Wasaarihii Sweden wuxuu gurigiisa uga baxay si uu filim u soo daawado, isagoo diiday in ilaaladiisa ay sii raacaan. Wuxuuna jeclaa inuu u noolaado sidii qof caadi ah oo bulshada ka tirsan balse markii uu ka soo laabtay shineemada ayaa lagu toogtay meel ku dhow hoygiisa.

Hadda oo ay dhacdadaas kasoo wareegtay in ka badan 34 sano, xafiiska dacwad oogeyaasha dalka Sweden wuxuu shaaciyay natiijada baaritaankii lagu waday falkaas oo argagax galiyay bulsho weynta caalamka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11401 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: