Wararka

Guddiga dhameystirka xeerka doorashooyinka Somalia oo ka qeyb galay kulankii…


Guddiga xeerka dhameystirka doorashooyinka Soomaaliya oo maanta ka qeyb-galay kulankii Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxay u qeybiyeen Afarta xeer ee loo saaray in ay soo diyaariyaan, kaas horay loogu idmaday.

Waxyaabaha ay keeneen guddigaasi waxaa kamid ah habka matalaadda kuraasta maamulka Gobolka Banaadir ay noqoneyso, miisaanka kuraasta siyaasadeed oo ay dumarku yeelan doonaan, daadajinta kuraasta xildhibaannada Baarlamanka Qaranka iyo sida ay noqon kareyso doorashada kuraasta Gobollada waqooyi Somaliland.

Guddigaan ayaa waxay horay usoo bandhigeen matalaadda siyaasadeed iyo kuraasta Gobolka Banaadir uu yeelanayo, iyagoo u qoondeeyay 7 kursi, hase-ahaatee waxaa jiray dhaliillo loo soo jeediyay aragtidaasi, taas oo markii dambe socon waaysay, waxaana ay u muuqatay aragtidii guddiga mid meel martay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: