Wararka

Koonfur Galbeed oo shaaca ka qaaday in xaalad adag oo bani’aadanimo ku soo fool…


Wasiirka Arrimaha Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ee Koonfur Galbeed, Cabdinaasir Cabdi Caruush ayaa shaaca ka qaaday in ay xaalad adag oo bani’aadanimo ku soo fool leeyihiin deegaanada Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ayaa u xilsaaran isku dubaridka arrimaha bani’aadanimo iyo la socoshada xaaladaha nololeed ee bulsahda, si looga feejignaado, loogana hawlgalo xaaladaha bani’aadanimo ee imaan kara.

Wasiirka Arrimaha Gargaarka & Maareynta Masiibooyin ee Koonfur Galbeed oo maanta ka hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa daaha ka qaaday in xaaladda nololeed ee bulshada ee reer Koonfur Galbeed, ay sii adkaaneysay tan iyo bishii April ee sanadkan.

Wasiirka ayaa tilmaamay in xaaladahan adag ay ka dhasheen faafitaanka xanuunsidaha COVID-19 uu keeno, fatahaadaha iyo sida saf-marka ah uu ayaxa u baabi’iyay dalagii beeraha.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa iftiimiyay in masiibooyinkan is biirsaday ay horseedeen xaaladdo adag, ee ay xilligan ka digeyso Wasaaradiisa, loona baahan yahay in si wadajira wax looga qabto.

Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo ka barbar hadlayay Wasiir Caruush ayaa ka codsaday Dowladda Federaalka, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Arrimaha Somalia iyo hay’adaha arrimaha bani’aadanimada ka shaqeeya in ay gurmad soo gaarsiiyan bulshada reer Koonfur Galbeed, iyadoo laga shidaal qaadanayo buu sheegay digniinta ka soo yeertay Wasaaradda Arrimaha Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka ee Koonfur Galbeed.

Digniinta xilligan ka soo yeertay Koonfur Galbeed ayaa ahayd mid horeyba loo sii fillaayay, bacdamaa masiibooyinkan ugu dambeeyay ee dalka ku soo kordhay kol hore la sii saadaaliyay inay horseedi doonaan xaalado adag oo bani’aadanimo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11401 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: