Wararka

Sharciga Kaysar ee difaaca dadka rayidka ah ee Syria oo maanta dhaqan galay kaasi oo la filayo…

A Syrian military defector using the pseudonym 'Caesar' wears a hood as he testifies before the Senate Foreign Relations Committee during a hearing titled, "Nine Years of Brutality: Assad's Campaign Against the Syrian People" on Capitol Hill in Washington, U.S., March 11, 2020. REUTERS/Joshua Roberts - RC2RHF9TTNQS

Xeer lagu Ciqaabayo Syria oo ka soo baxay Mareykanka oo la magac baxay, “Sharciga Kaysar ee Difaaca Dadka Rayidka ah ee Syria”, ayaa wuxuu dhaqan galay Arbacada maanta ah, kaas oo Madaxweyne Donald Trump uu saxeexay dabayaaqadii sanadkii hore, waxaana la filayaa inuu adkeeyo xayiraadaha saaran xukuumada Syria oo ka adag cunaqabateenadii hore.

“Kaysar” waa magac la amaahday oo loogu magac daray sawir qaade hore oo ka tirsanaa booliiska militariga Syria oo ka soo goostay taliska sanadkii 2013, isaga oo la yimid 55,000 sawir oo muujinaya jirdil iyo xadgudubyo ka dhacay xabsiyada Syria.

Qaar ka mid ah wakiilada ayaa soo bandhigay sharciga sanadka 2016 iyada oo ujeedadu tahay “in la joojiyo dilalka ballaaran ee loo geysto dadka reer Syria, in la dhiiri geliyo heshiis nabadeed iyada oo loo marayo wadaxaajood, iyo in la maxkamdeeyo kuwa ku xadgudbay xuquuqda aadanaha Syria dambiyadooda.”

Dood dheer ka dib, Golaha Congress-ka ee labada gole ayaa meel mariyey sharciga bishii December 2019, madaxweynuhuna wuxuu u saxeexay iyada oo qayb ka ah Sharciga Miisaaniyadda Difaaca 2020.

Sharcigu wuxuu dhigayaa in la ciqaabo dadkii mas’uulka ka ahaa ama ka qeyb qaatay xadgudubka ama u wareejiyo badeecad ama teknolojiyad Syria.

Sharciga ayaa sidoo kale beegsanaya qof kasta oo la macaamila Bangiga Dhexe ee Syria, Sirdoonka iyo adeegyada amniga iyo ciidamadooda difaaca, qof kasta oo bixiya tikniyoolajiyada ama alaabada kordhisa wax soo saarka saliida ama iibsanaya saliida Syria.

Sharciga Kaysar sidoo kale wuxuu bartilmaameedsanayaa qof kasta oo ka caawin kara nidaamka inuu helo ama horumariyo hubka.

Sharcigu wuxuu kaloo dhigayaa in la xanibo kaalmada dib-u-dhiska Syria, oo lagu bar-tilmaameedsado hay’adaha Ruushka iyo Iiraan ee la shaqeeya dowladda Syria.

Sharciga ayaa shardi ka dhigaya joojinta cunaqabateynta in marka hore la joojiyo adeegsiga hawada sare ee Syria si loo bar-tilmaameedsado dadka rayidka ah, in loo oggolaado gargaarka bini’aadannimo ee caalamiga ah inuu ku qulqulo iyadoo la socota xorriyadda safarka iyo daryeelka caafimaadka, in la sii daayo dhammaan maxaabiista siyaasadeed ee sida qasabka ah loo haysto, lana joojiyo xoogagga talisyada iyo xulafadooda – oo ay ku jiraan Hezbollah iyo ciidamada Iiraan iyo Ruushka – in ay weeraraan xarumaha caafimaadka, iskuulada, iyo aagagga la deggan yahay iyo suuqyada.

Qoraalka sharciga ayaa sidoo kale lagu sheegay in cunaqabateynta la joojinayo haddii Madaxweynaha Mareykanka uu go’aansado in “wada hadalada caalamiga ah ee la aqoonsan yahay ee lagu xallinayo dhibaatada rabshadaha Syria ay ku dhamaato in la gaaro heshiis ama is afgarad ama ay u badan tahay in lagu soo afjari doono heshiis.”

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: