Wararka

Heshiis horudhac ah oo laga gaaray wadahadaladii Jabuuti uga socday Somalia iyo S/land…


Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa ku guuleysatay in ay markale isa soo horfariisiso guddiyadii Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku metelayay wadahadalada.

Guddiyada farsamada ayaa isku maandhaafay qodobo ay ka mid yihiin isku socodka iyo is dhexgalka labada dhinac, taasoo ugu dambeyn keentay in xubnihii Somaliland ku metelayay ay madasha wadahadalada isaga baxaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa saacado ka dib ku guuleystay in saqdii dhexe ee xalay uu markale miiska wadahadalada isugu keeno labadii guddi.

Tani waxay ka dambeysay, ka dib markii loo tanaasulay Somaliland, meeshana laga saaray qodobadii dhaliyay in shirka lagu kala kaco markiisii hore.

Shirka oo laga soo saaray shan qodob ayaa waxaa warbaahinta u akhriyay Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, waxaana sidoo kale qodobadaasi dhinaca Somaliya u saxiixay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Maxamed Sabriye, iyadoo uu dhanka Somaliland u saxiixay Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda, Yaasiin Xaaji Maxamuud (Faratoon) iyo in heshiiska laga sii wadi doono dalkaasi Jabuuti, waxaa iyana u saxiixay Wasiirkeeda Arrimaha Dibadda.

Shabakada Wararka
hagaag.com
Info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: