Wararka

Wasiirka Maaliyada Itoobiya oo booqasho aan la shaacin ku yimid magaalada Mogadishu oo la…


Wasiirka Maaliyadda Itoobiya, Axmed Shide, ayaa booqasho aan la shaacinin maanta ku yimid magaalada Muqdisho, isagoo kulan la qaatay Madaxweyne Max’ed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweynaha iyo Wasiir Axmed Shide ayaa ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin, xoojinta xiriirka labada dal, qorshaha isu socodka Geeska Afrika, isku xirka iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, hirgelinta heshiisyadi labada dal iyo arrimo kale sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow Villa Somalia.

Axmed Shide ayaa sidoo kale Dowlada Somalia ku wareejiyey dawo loogu tala galay la tacaalidda cudurka Coronavirus oo ay ku deeqday Itoobiya.

Waa markii labaad ee Wasiirka Maaliyada Itoobiya Axmed Shide uu booqasho ku yimaado magaalada Muqdisho tan iyo markii RW Itoobiya Abiy Ahmed uu xilka qabtay, isagoo ka mid ah siyaasiyiinta horboodaya Soomaalida Itoobiya.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11427 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: