Wararka

Askari ka mid ahaa raggii wax ka dilay George Floyd oo lacag damiin ah lagu sii daayey…


Wararka ka imaanaya caasimadda gobolka Minnesota ee Minneapolis ayaa waxaa ay sheegayaan in lasii daayay askarigii labaad ee loo haystay dilka ninka madow ee George Floyd.

J. Alexander Kueng oo askarigan lagu magacaabo ayaa waxaa lagu sii daayay lacag damiin ah oo gaareysa 750-kun oo dollarka Mareykanka ah.

Isbuuc la hor ayay aheyd markii isna damiin lacageed oo noocaan oo kale lagu sii daayay Thomas Lane, oo isna ka mid ahaa afartii askari ee sababay dilka George Floyd.

Dilka George Floyd ayaa dhacay 25-kii bisha May, waxaa uuna ka dhacay magaalada Minneapolis.

Shuruud ayaa la socota sii-deyntaasi, waxaana ka mid ah in uusan gobolka Minnesota ka bixi karin, uusan sharciga jebin karin, in uu soo xaadirayo maxkamadaha loogu yeero iyo in uusan wax xiriir ah noocey doonaan ha noqdaane uusan la sameyn karin qoyska ninka uu dilay ee George Floyd.

Dilkii George Floyd ayaa waxaa ka dhashay dibedbaxayo caalami ah kuwaas oo looga soo horjeedo cunsuriyadda booliska Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: