Wararka

Labo nin oo lagu eedeeyey in ay kufsadeen gabar oo al-Shabaab ku fulisay xukun karbaash…


Ururka Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii xukun karbaash ahaa ku fuliyay laba nin oo dhalinyaro ah, ka dib markii ay ku eedeeyeen in ay kufsadeen gabar.

Xukunkan ayaa ka dhacay fagaare ku yaala deegaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, halkaasoo ay isugu soo baxeen boqolaal ka mida dadka deegaanka.

Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud ayaa fagaaraha ka sheegay in Cabdifataax Salaad Cabdi iyo Maxamed Yuusuf Maxamed, ay duleedka Galhareeri ku kufsadeen gabar, isla-markaana ay maxkamadda ka hor qirteen dacwaddii lagu soo oogay.

Qaadiga ayaa sheegay maadaama aynaan horey wax guur ahi u soo marin uu xukunkoodu yahay min boqol jeedal oo karbaash ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in mid kastaba lagu xukumay inuu bixiyo meherka gabadhii lagu xadgudbay, mid walbana waxaa laga qaaday min 14 neef oo ari’ ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: