Wararka

Mashruuca dhismaha Dekeda Hobya oo daahfurkeeda si weyn looga qeyb galay…


Waxaa xalay Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug lagu qabtay munaasabad ballaaran, oo lagu daahfuraayay mashruuca dhismaha ee Dekeda Hobyo, iyadoo daahfurkeedana si weyn looga soo qaybgalay.

Madasha munaasabadda ayaa waxaa ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug, Golihisa Wasiirada, Xildhibaano Labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia ka tirsan, Gudoomiye Kuxigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia, Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Golaha Shacabka, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqameedyo, ganacsatada deegaanka iyo marti sharaf kaloo ballaaran.

Barnaamijka daahfurka ee dhismaha Dekeda Hobyo waxaad mooddaa inaanan xalay loogu kala harin degmadaasi, xilli si weyn loo adkeeyay amniga guud ee degmada.

Barnaamijkan oo halkudheg looga dhigay “Iskutashi” ayaa waxaa si rasmiya daaha uga rogay Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Intii ay munaasabaddu socotay ayaa waxaa jiray yabooh lacageed, oo loo sameeyay dhismaha iyo horumarinta Dekeda Hobyo. Dhinacyadii ka qaybgalay munaasabadda ayaa in ku dhow boqol milyan oo dollar ugu deeqay Dekeda Hobyo.

Dhismaha Dekeda Hobyo waxay ahayd rajo ay in muddo ahba ku taamayeen bulshada Gobolada Dhexe, waxaase iminka u muuqata inay cagta saartay jidkii ay ku gaari laheyd sidaasi.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11445 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: