Wararka

Mooshin lagu dalbanayo in kuraasta haweenka ay ku tartamaan haween ayaa loo gudbiyey…


Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda kMG ayaa loo gudbiyay xeerka qoondada haweenka ay soo diyaariyeen Guddiga Wadajirka ee dhameystirka xeerarka doorashooyinka.

Mooshin ay saxiixeen in ka badan 130-Xildhibaan ayaa maanta Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo gudbiyay, waxaana mooshinkan lagu dalbanayay in kuraasta Haweenka ku leeyihiin Baarlamaanka ay ku tartamaan haween oo kaliya.

Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo kamid ah Xildhibaanada mooshinkan wax ka saxiixay ayaa sheegtay in Guddoonka baarlamaanka laga doonayo in mooshinkaasi aqbalo lana galiyo cod si loo helo qoondada Haweenka ku leeyihiin Baarlamaanka soo socda.

Xildhibaanada haweenka ee ku jira Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka walwalsan in ay waayaan kuraastooda 30%, waxa ay sidoo kale haweenka ka walwalsan yihiin in kuraasta kula tartamaan rag.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: