Wararka

Trump oo barihiisa bulshada ku baahiyey muuqaal been abuur ah oo xadgudub ku ah warbaahinta…


Twitter iyo Facebook ayaa muuqaal uu madaxweyne Trump ku baahiyey barihiisa ku tilmaamay mid xadgudub ku ah warbaahinta.

Muuqaalka ayaa muujinaya ilmo yar oo madow ah oo ka cararaya ilmo yar oo cadaan ah, xilli ay wada cayaarayeen, muuqaalkaasi ayaa waxaa si been abuur ah loo saaray astaanta telefiishanka CNN.

Qoraalka muuqaalka la raaciyey ayaa u qornaa sidatan: “Ilmo socod barad ah oo ka cararaya ilmo cunsuri ah”, kahor inta ay CNN muuqaalkaasi ku sheegin inuu yahay mid la been abuuray.

Twitter ayaa digniin culus u diray madaxweyne Trump muuqaalka been abuurka ah uu bartiisa Twitter-ka ku baahiyey, taasi ayaa ka dhigan inuu mar kale ka dhex bilowday dagaal.

Aabayaalka dhalay labada cunug ayaa ka dalbaday Facebook iyo Twitter inay ka saaraan muuqaalka been abuurka ah barahooda, waxayna sheegeen in ay sanadkii hore ku baahiyeen baraha bulshada muuqaalka hadda la bedelay, labo ilmo oo midi madow yahay iyo mid cadaan ah oo isku soo ordaya si ay laabta isugu qabtaan.

Shabakada Wararka

hagaag.com

info@hagaag.com

About Admin (10577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: