Wararka

Abdel Fattah al-Sisi ayaa ku tilmaamay magaalooyinka Sirte iyo Jufra ee Libya khad cas…


Madaxaweynaha dalka Masar Abdel Fattah al-Sisi oo khudbad u jeediyay ciidanka Masar ee ku sugan xadka ay la leeyihiin Libya ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dalka Liibiya ee u dhaxeeya ciidamada ay taageeraan ee Khalifa Haftar hogaamiyo iyo ciidamada dowlada Liibiya.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Masar in ay qaadayaan talaabo milatari haddii ciidamada dowlada Liibiya ay soo weeraraan magaalooyinka Sirte iyo Jufra oo ku sheegay in ay tahay khad case, waxa uuna ku goodiyay in dowladiisa ay qaadeyso talaabo kasta oo waafaqsan shuruucda caalamiga ah.

Dowlada Liibiya ee ay aqoonsan tahay Qaramada Midoobay ayaa warka Madaxweynaha dalka Masar ku tilmaantay duulaan ka dhan ah qaranimada Liibiya, waxa ayna dowlada cadeysay in aysan jirin wax khad cas ah oo kuyaala gudaha Liibiya.

Hadalkan kasoo yeeray Madaxweynaha dalka Masar ayaa kusoo aadaya xili ciidamada Dowlada Liibiya ee taageerada ka helaya milatariga Turkiga doonayaan in dagaal uga saaraan magaalada Sirte iyo Jufra ciidamada uu hogaamiyo Khalifa Haftar.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: