Wararka

Booliska Britain ayaa gacanta ku dhigay nin seddax qof ku dilay magaalada Reading…


Booliska dalka Britain ayaa gacanta ku dhigay gacan-ku-dhiigle saddex ruux ku dilay barxadda Forbury Gardens ee magaalada Reading.

Dilkan ayuu gacan ku dhiiglaha u adeegsaday toorey, mana cada wali cida ay kasoo jeedaan dadka lagu dilay weerarkaasi.

Booliska ayaa sheegay in saacado ka hor inta uusan weerarka dhicin barxaddaasi ay ka dheceen dibedbax looga soo horjeedo cunsuriyadda, laakiin maaysan cadeyn in uu wax xiriir ah la leeyahay.

Muuqaalo la duubay xilliga weerarka ayaa lagu faafiyay baraha bulshada, waxaana ay boolisku ka codsadeen dadweynaha in aan lasii faafin muuqaaladaasi.

Ninka weerarka geystay ayaa ah 25 jir kasoo jeeda isla magaalada uu weerarka ka geystay ee Reading, waxaana uu sidoo kale weerarkaasi ku dhaawacay saddex ruux oo kale.

Baarayaasha ayaa sheegay in kiiskan ay u baarayaan sida fal argagixso.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: