Wararka

Ciidamo ka tirsan Militariga Somalia oo ka cabanaya mushaar la’aan oo xirtay waddooyin…


Ciidamo ka tirsan Militiriga Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xirtay waddooyin muhiim ah oo laga ilaaliyo madaxtooyada dalka, waxayna ka cabanayaan mushaar la’aan haaysatay muddo sanad iyo sagaal bilood ah sida ay u sheegeen qaar kamid ah warbaahinta dalka oo ay la hadleen.

Askartaan ayaa xiray waddada Daljirka dahsoon illaa laga gaaro Xaawo-taako oo ah koontaroolka koowaad ee laga ilaaliyo Villa Somalia.

Ciidamadaan Militriga ah ayaa waxay ka tirsanyihiin qeybta 27-aad ee ka howl-gasha maamullada Hirshabeelle iyo Galmudug.

Saraakiisha Ciidamadan ayaa waxaa ka muuqanayay dhiirranaan xooggan waxayna qaar kamid ah weriyayaasha u sheegeen in ay baaraan si madax-bannaan sheegashadooda dhinaca mushaarka ka maqan ah.

Weli ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska sare ee Ciidamada Qalabka Sida.

Gadoodka askartaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli madaxweyne Farmaajo uu sheegay in dowladda dhexe ay bixiso mushaaraadka Ciidamada iyo shaqaalaha rayidka ah bil kasta .

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: