Wararka

James Swan ayaa booqday Isbitaal Martiini oo lagu daweeyo dadka soo rita Covid-19…


Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo madaxa Hay’dda Caafimaadka Adduunka ee Soomaliya (WHO Somalia) ayaa maanta booqday Isbitaalka Guud ee Martiini ee magaalada Muqdisho oo lagu daweeyo dadka uu soo rito cudurka COVID-19.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fawziya Abiikar Nuur iyo mas’uuliyiin kale ayaa wafdigan ku soo dhaweeyay Isbitaalka.

Wafdiga ayaa uga mahadceliy dhamaan madaxda Wasaaradda iyo shaqaalaha caafimaadka Isbitaalka sidii geesinimada lahayd ee ay ula dagaalameen cudurka dilaaga ah ee saameeyay dunida oo dhan COVID-19.

Sidoo kale Danjire James Swan waxa uu mar labaad u mahadceliyay Shaqaalihii naftood hurayaasha ahaa ee safka hore kaga jiray ladagaalanka cudurka COVID-19, isagoo xusay in xafiiska QM ee Somalia uu hiil iyo hooba la garab taagan yahay.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: