Wararka

Ciidamada Kumaandooska ee Danab iyo Gorgor oo la wareegay deegaano hoostaga Marka…


Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka ee Danab iyo Gorgor ayaa waxay la wareegeen deegaanno hoostaga degmada Marka ee Gobolka Shabeellada hoose, waxayna sheegeen mas’uuliyiinta ciidamadaasi in hadda ay gacanta si buuxdo ugu hayaan dhowr tuulo oo ay Al-Shabaab maamulayeen.

Taliyaha guutada 16-aad ee Kumaandooska Soomaaliya G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay Idaacadda Codka Ciidamada ee SNA ayaa waxa uu qeexay in hadda ay gacanta ku hayaan deegaannada kala ah Jilib-marko Gendershe , isagoo intaa ku daray in ay dileen saraakiil Al-Shabaab deegaannadaasi u qaabilsanaa.

Taliye Ismaaciil Cabdimaalik ayaa intaa ku daray iney sii wadayaan howl-gallada ay doonayaan in gacanta dowladda ay kusoo geliyeen dhulka weli Al-Shabaab ay maamulaan.

Marka laga yimaado guulaha ay sheegteen ciidamadaasi ma jiraan ila madax-bannaan oo warbaahinta la hadlay, iyadoo sidoo kalena weli Al-Shabaab aysan ka hadlin dagaalkaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: