Wararka

Hoggaamiyahii Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale oo xilkii laga xayuubiyey…


Aadan Barre Ducaale oo ahaa Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya ayaa laga xayuubiyay xilka, kadib kulan uu shir guddoominayay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ay yeesheen Xisbiga talada haya.

Xil ka xayuubintan ayaa ka dambeysay markii inta badan Xubnaha Xisbiga Jubilee ee talada haya ay saxiixeen mooshin xil ka xayuubin ah.

Aadan Barre Ducaale ayaa muddo 8 sano ahaa ninka 3aad ee ugu awoodda badan dalka Kenya, isagoo xubin muhiim ka ahaa Xisbiga Jubilee ee uu hoggaamiyo Uhuru Kenyatta.

Waxaa xilka Hoggaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka loo doortay Amos Kimunya, halka Aadan Keynaan Xoghayaha Guud ee isbaheysiga talada haya oo ka soo jeeda Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Isbedelada ku socda isbaheysiga talada haya ee Kenya ayaa yimid, markii Madaxweyne Uhuru Kenyatta kala tageen isaga iyo Madaxweyne kuxigeenkiisa William Ruto, iyadoo Uhuru Kenyatta uu haatan isbaheysi la sameystay Raila Odinga.

Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu noqdo Ra’iisul Wasaare awood badan, halka Raila Odinga noqon doono Madaxweyne, waxaana socota olole dastuurka dalka Kenya wax looga bedelayo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: