Wararka

Madaxda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada oo kulan ku yeeshay dhinaca Internet-ka…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan dhinaca Internet-ka kula yeeshay Madaxda Maamul Goboleedyada.

Kulanka oo ka qabsoomay muuqaal xiriiriyaha Whatsapp Group ayaa waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliya, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Madaxweynaha Puntland, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Hirshabelle, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Madaxweynaha Jubbaland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhinacyadan kaga warbixiyay wadahadaladii toddobadkii hore Dowladda Federaalka iyo Somaliland ku dhex maray dalka Jabuuti, qodobadii wadahadalada looga hadlay iyo hiigsiga Dowladda Federaalka.

Xog is dhaafsi ka dib waxaa ay dhinacyadu isku waafaqeen in shir deg deg ahi isugu yimaadaan, si ay uga wada hadlaan dhabaha ay tahay in loo maro Habraaca Marxaladda Kala Guurka, oo ay ugu horeeyan arrimaha doorashooyinka iyo amniga qaranka.

Madaxweynaha Somalia ayaa kulanka ka sheegay in Villa Somalia ay dib ka soo sheegi doonto goorta iyo goobta lagu qaban doono shirkaasi.

Kulankan waxa uu noqonayaa kiisii ugu horeeyay oo ay dhinacyadan ku yeeshaan khadka Internet-ka, tan iyo markii uu khilaaf soo kala dhexgalay Villa Somalia iyo Maamul Goboleedyada qaarkood, muddo hal sano laga jooggo, waxaana uu ku soo aadaya, xilli Madaxweyne Farmaajo uu 14-kii bishan kulan ku soo casuumay Madaxda Maamulada, si mowqif loo dhan yahay looga qaato arrimaha doorashooyinka dalka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: