Wararka

QM oo dacwad ka ah Jaamacad la magac baxday United Nations Academy of Somalia…


War saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu beeniyay diwaangalinta & Sharciyadsiinta Jaamacadda United Nations Academy of Somalia uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Qaramada Midoobay Warka kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).

War saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Qaramada Midoobay dacwad sharci ah ka gudbineyso dadka magacooda ku been abuurtay, waxa ayna Dacwadan saameyn doontaa xubno uu ku jiro Cali Geedi oo aas aasay Jaamacadan Onlinka wax looga barto.

Halkan ka Akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay Qaramada Midoobay

Iyadoo laga jawaabayo weydiimo, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay dooneysaa inay caddeyso inuusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Ururka Qaramada Midoobay iyo waxa loogu yeero ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).’

Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya waxaa lagu heli karaa kadib marka la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

‘UNAS’ ma codsan mana helin rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta. Oggolaansho weligiis ma siinin Xoghayaha Guud arrin laga leeyahay ujeeddooyin ganacsi oo gaar ah, sida nooca ay ku howlgashay UNAS.

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada oo ay ku wargalisay arrintaa ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay, waxa ayna la beegsaneysaa dacwad sharci ah, oo ah in UNAS ay joojiso adeegsigaas.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11390 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: