Wararka

Wasaarada Arrimaha Dibada Somalia oo diiday inay faallo ka bixiso dhaleeceyn Trump u jeediyay…


Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin karin dhaleeceynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u jeediyay dalka xilli uu ku guda jiray ololihiisa doorashada ee habeenkii Sabtida.

Madaxweyne Trump ayaa Soomaaliya ku sifeeyay Waddan Dowlad la’aan, amni la’aan ah iyo boolis la’aan, Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa weerar dhanka afka ah ee uu ku qaaday xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Congress-ka.

Warbaahinta BBC-da ayaa weydiisay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya haddii ay bixnayso jawaab, laakiin waxay u sheegtay in aaney xilligan diyaar u ahayn jawaabta dhalleecaynta Trump.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Trump ku dhawaaqo hadal xanaf leh oo ka dhan ah Soomaaliya, isagoo ku xumaynaya Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, balse haatan ka tirsan Congress-ka Mareykanka.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11368 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: