Wararka

Afaafka hore ee xerada uu Turkigu ku tababaro Ciidamada Somalia oo qarax ka dhacay…


Qof jirkiisa kusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu ku qarxay afaafka hore ee xerada Turkiga ku tababaro Ciidamada Somalia ee kutaala degmada Wadajir.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qof waxyaabaha qarxa isku soo xiray uu yimid afaafka hore ee Xerada, isagoona doonayay in uu safka la galo dhallinyaro leyli sargaal loo qaadanayay oo saf ugu jiray galitaanka xerada.

Ciidamada ilaalada xerada ayaana la sheegay in ay ka shakiyeen ninkaasi waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray kadibna halkaasi ku toogtay, sida ay ku warameen gooboogayaal.

Qaraxa ku xirnaa ninkaasi ayaa sidoo kale la sheegay in uu ku qarxay markii la toogtay, waxaana jira khasaaro dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhashay qaraxan ka dhacay afaafka hore ee xerada Turkiga.

Laamaha ammaanka Dowlada Soomaaliya ayaan wali faahfaahin ka bixin qaraxan , waxaana xerada qaraxa ka dhacay banaankeeda milatariga Turkiga ku tababaraan Ciidamada Soomaaliya .

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10579 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: