Wararka

Golaha Ammaanka ee QM ayaa waqtiga u kordhiyey howlgalka QM ee Somalia UNSOM…

FILE PHOTO: The United Nations Security Council meets about the situation in Syria at United Nations Headquarters in the Manhattan borough of New York City, New York, U.S., February 28, 2020. REUTERS/Carlo Allegri/File Photo

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Isniintii meel mariyey qaraar lagu cusbooneysiinayo waajibaadka Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM) ilaa Agoosto 31, 2020.

UNSOM waxay sii wadi doontaa fulinta waajibaadka sida ku xusan cutubka 1aad ee qaraarka 2158 (2014), waxayna sii go’aansatay in UNSOM ay sii wado hirgalinta waajibaadkaas iyada oo la raacayo go’aan tirsigiisu yahay 2461 (2019).

Horey, Golaha Ammaanka wuxuu si wada jir ah u go’aamiyay bishii Maarso 30 in la kordhiyo waqtiga howlgalka illaa iyo Juun 30, 2020.

UNSOM waxaa lagu aasaasay Juun 3, 2013 qaraarka Golaha Ammaanka ee 2102, kadib qiimeyn dhameystiran oo Qaramada Midoobay ay sameysay oo lagu taageerayay dhisidda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Xoghayaha guud wuxuu Golaha Ammaanka si joogto ah ugu wargeliyaa fulinta waajibaadka UNSOM iyada oo loo marayo warbixinno saddex-biloodle ah.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10543 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: