Wararka

Saudi Arabia oo u ogolaan doonto sanadkan inay xajka gutaan dadka gudaha dalka ku nool…


Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa sanadkan xadidi doonta xujayda Xajka ee sanadlaha ah sababo la xiriira cudurka COVID-19, iyadoo albaabada ka xiranaysa xujeyda ka imaanaysa dibadda.

Wasaaradda xajka iyo cumrada ee dalka Sacuudiga ayaa sheegtay in dad kooban oo ka socda kuwa gudaha dalka ku nool loo oggolaan doonaa inay gutaan waajibaadka sannadlaha ah ee Xajka maaddaama COVID-19 uu kusii fidayo meelaha dadku ku badan yahay.

Gudashada Xajka, oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka, ayaa dadka Muslimiinta ah waxaa laga rabaa inay sameeyaan ugu yaraan hal jeer noloshooda haddii ay leeyihiin awoodeeda.

Boqortooyada Sacuudiga, cudurka coronavirus, waxaa uu gaaray 161,005 xaaladood, oo ay ku jiraan 1,307 dhimasho iyo 105,175 soo kabasho ah. Tan iyo markii ugu horreysay ee uu cudurku ka soo muuqday Shiinaha bishii December ee la soo dhaafay, wuxuu ku faafay ugu yaraan 188 waddan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: