Wararka

Wasaarada Arrimaha Dibada Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ka dhacay agagaarka…


Wasaaradda arrimaha dibadda dalka Turkiga ayaa cambaareysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka Akadeemiyada Tababarka Ciidamada ee TURKSOM ee magaalada Muqdisho.

Bayaan kooban ayaa lagu yidhi,” Waxaan la qeybsaneynaa murugada saaxiibadeena iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah, waxaan u rajeyneynaa naxariistii Allah kuwa naftooda ku waayey inta uu socday weerarka waxaan tacsi u direynaa qoysaskooda”.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan, waxayna sheegeen in dagaaalame katirsan kooxdooda uu isku qarxiyay bar ay ku sugnaayeen ciidamo tababar loo qadanayay oo ku sugnaa bannaanka hore ee xerada TurkSom.

Ciidamada Ilaalada Dugsiga tababarka TurkSom ayaa toogasho ku dilay ismiidaamiyaha doonayay in uu isku qarxiyo dhallinyaro arday ah oo doonayay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Saddex qof oo ku jiray naftii haligaha ayaa ku geeriyooday falkaan.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: