Wararka

Cudurka coronavirus oo ku soo laba kacleeyey dalka Mareykanka sida ay sheegeen…


Sarkaalka Dowladda Mareykanka ugu sareeya dhanka cudurada faafa, Dr Anthony Fauci ayaa sharci dajiyeyaasha dalkaas u sheegy in dalka Mareykanka uu haatan markale wajahayo “sare u kac horleh” oo la xiriira coronavirus, kaas oo laga soo sheegayo qaar kamid ah gobolada Mareykanka.

Khubarro caafimmaad oo uu kamid yahay Dr. Anthony Fauci, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay noqon doonaan maalma adag oo ay tahay in wax laga qabto faafidda cusub ee xanuunka.

Guud ahaan dalka Mareykanka waxaa lagu soo warramayaa in markale ay sare u kaceen tirada kiisaska corona.

Khubarradan caafimmaad ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan Madaxweynaha Mareykanka kala hadlin in uu yareeyo tirada dadka laga baarayo xanuunka.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii madaweyne Trump uu meel fagaara ah ka sheegay in saraakiisha caafimmaadka uu ku amray in aysan baaritaano badan sameynin, si hoos loogu dhigo tirada dadka uu xanuunka ku dhacayo ee maalin walba lasoo sheegayo.

“Inta aan ka warqabo, midkeenna looma sheegin in aan hoos u dhigno tirada baaritaanada,” ayuu yiri Dr. Fauci, oo ah agaasimaha machadka xanuunka faafa ee Mareykanka oo ka hor hadlayay guddi loo saaray ka sal gaaridda qaabka Dowladda Mareykanka ay uga jawaabtay xanuunka corona.

“Dhab ahaantii waa aynu sii kordhin doonaa baaritaanada la xiriira feyraska” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Saraakiisha kale ee ka qeybgalay kullankaas ee katirsan xarunta kahortagga cudurada faafa ayaa sidoo kale ku gacan seyray hadalkii Trump, iyagoona sheegay in marnaba aanan lagu amrin in ay hoos u dhigaan baaritaanada coronavirus.

Brett Giroir, oo ah ku xigeenka xoghayaha wasaaradda caafimmaadka ayaa sheegay in ay rajeynayaan in ay xanuunka ka baaraan 40 iyo 50 milyan oo qof bishiiba.

Dr. Fauci ayaa sidoo kale sheegay in dhammaadka sanadkan ay rajeynayaan in uu diyaar noqdo tallaalka feyraska corona.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (11379 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: