Wararka

Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS ayaa la filayaa inuu qabsoomo 5-8 July 2020…


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS) Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) waxa ay adkaynaysaa muhiimadda shirkan, maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.

Madaxda dowlad goboleedyada qaarkood ayaa horey u diiday iney yimaadaan magaalada Muqdisho, sababo la xiriira iney kalsooni ku qabin dowlada sida ay sheegeen, iyagoo doonaya in goob kale oo dhexdhexaad ah lagu qabto shirka sida Gaalkacyo ama Dhuusamareeb.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: