Wararka

Shirkadda Twitter oo mar kale hawada ka saartay qoraal uu soo dhigay Trump bartiisa…


Shirkadda Twitter ayaa mar kale hawada ka saartay qoraal uu soo dhigay madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump kaas oo ay ku sheegtay in uu ahaa mid hanjabaad xambaarsanaa.

Sarkaal u hadlay shirkadda Twitter ayaa warbaahinta u sheegay in ay xayiraad saareen qoraalkan maadaama uu jabinayo shuruucda u dagsan shirkadda.

Shirkadda ayaa sheegtay in qoraalkan loogu hanjabayo shakhsiyaad ama koox, taas oo xadgudub ku ah shuruucda u dagsan Twitter-ka.

Marar hore ayey sidaasi oo kale shirkadda Twitter xayiraad u saartay qoraal uu soo dhigay madaxweyne Trump bartiisa Twitter-ka.

Qoraalkan ugu dambeeyay ee xayiradda lagu soo rogay ayaa dhigaya in xoog lagu maquunin doono shakhsiyaadka ama kooxaha xirta wadooyinka caasimadda Washington, dibedbaxa awgiis.

Shirkadda Twitter ayaa wali qoraalka ka saarin barteeda, balse waxa ay dulsaartay digniin iyo in qofkii doonaya uu sii riixan karo.

Dhawaan ayaa waxaa soo ifbaxay dagaal u dhaxeeyay shirkadaha baraha bulshada, sida Twitter iyo Facebook iyo madaxweynaha Mareyknaka Donald Trump, waxaana ay hawada isu mariyeen hanjabaadyo.

Shabakada Wararka
hagaag.com
info@hagaag.com

About Admin (10577 Articles)
Wararka Somalia iyo kuwa caalamka ayaan idinka haqab tireynaa.
%d bloggers like this: